Nadiira Cabdiraxmaan: Siddee gabdhuhu ugu faa’iideysan karaan xirfadaha cagaaran?

Siddan wada ognahay isbedelka cimilada waa mid kamid dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haysta Soomaaliya iyadoo ay soo raacaan dhibaatooyinka dagaalada iyo deganaansho la’aanta siyaasadda oo muddo dheer ka jirtay wadanka siiba soddonkii sano ee u danbeeyay. Dhibaatooyinka isbedelka cimilada ka dhashay waxaa kamid ah abaarta oo dabo dheeraatay si weyna u sameysay guud ahaan nolosha dadka Soomaaliyeed, si gooni ah waxyeelo weyn iyo saameyn ku yeelatay Haweenka iyo gabdhaha iyagoo si gooni ah ugu nuqul waxyeelooyinka ka dhasha isbedelka cimilada.

Iyaddoo maanta ku began tahay August 12, waxaa adduunka laga xusaa Maalinta Dhalinyarada ee Caalamiga ah (International Youth Day) si loogu qareemo la isuguna baraarujiyo doorka dhalinyarada ku leedahay horumarinta iyo weliba wax ka qabashada dhibaatooyinka dhalinyarada u goonida ah. Haddaba, Xuska sanadkan, oo cinwaan looga dhigay xuska “Green Skills for Youth: Towards a Sustainable World” oo ah “Xirfadaha Cagaaran ee Dhalinyarada ee ku Aadan Adduun Waara”, waxaan jeclaystay inaan ka hadlo dhibaatooyinka gabdhaha ka haysta inay ka fa’iideystaan shaqooyinka iyo xirfadaha caagaaran si ay uga qayb-qaataan fursadaha horumarinta iyo dhaqaalaha koraya.

Waxaa jira firaaqo weyn iyo u sinnaansho la’aan dhanka shaqooyinka iyo fursadaha la xiriira shaqada iyo xrifadaha la xiriira shaqooyinka cagaaran ee Soomaaliya. Iyadoo Soomaaliya kamid tahay meelaha gabdha iyo dumarka wajahaan caqabado bulsho iyo dhibaatooyin dhaqan, kuwaasoo hoos u dhigaya doorka Haweenka ee bulshada iyo fursadaha ay kaga qayb-geli lahaayeen fursadaha horumarinta bulshada. Waxaa jira firaaqo in gabdhaha laga qaybgelin fursadaha iyo xirfadaha cagaaran, waxaana lagu tilmaamo karaa cadad sare siiba waxa gaaraya 70%.

Hadaba, taladayda waxay tahay in gabdhuhu ka fa’iideysan karaan xirfadaha cagaaran, waa haddii wax laga qabto caqabadaha jinsi ee jira ama goonida ku ah dumarka sida u sinnaan la’aanta tababarada xirfadaha, maalgelinta iyo suuqa shaqada oo furan. Waxaa loo baahan yahay tallaabooyin deg-deg isbedel arimahan wax looga qabanayo kuwaasoo kor u qaadaya shaqooyinka cagaaran ee gabdhaha, waana arin si deg-deg loogu baahan yahay in looga howlgalo haddii la doonayo in dhaqaale loo wada siman yahay oo lagu wada dhan yahay.

For more.